DHAGEYSO: Xiisada u dhaxeyso xoolo dhaqato & Al-shabaab oo Mudug ka taagan

Iyadoo maalintii shalay deegaano ka tirsan koofurta gobolka Mudug ay ku dagaalameen ciidamo ka tirsan Alshabaab iyo dad xoolo dhaqato ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa iney xiisad ka taagan tahay deegaano gobolka Mudug ka tirsan.

Dadka xoolo dhaqatada oo ka carooday xoolo Zakowaad ahaan looga qaaday ayaa ku hanjabay ineysan u dulqaadan doonin in xoolo badan ay ka qaadaan shaqsiyaad isku ekeysiinaya Alshabaab.

Dadka deegaanka iyo xoolo dhaqatada gobolka Mudug qaarkood ayaa la sheegayaa iney isku baheysteen sidii ay isaga difaaci lahaayeen ururka Alshabaab, taasi oo keentay xiisada ka taagan koofurta gobolka Mudug.

Mid kamid ah dadka xoolo dhaqatada ee ku nool ee gobolka Mudug ayaa sheegay in horey xoolo badan horey looga qaaday, shalayna la doonayay in laga koxeeyo ku dhawaad 50 neef oo geel ah, ayna ka gadoodeen arintaasi.