Amaanka Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana maanta lagu wadaa in uu ka dhaco caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo sidoo kale ku xigeenkiisa Cali Cabdullaahi Guudlaawe.
Ciidamo dheeraad ah oo Muqdisho ka tagay ayaa gaaray Magaalada Jowhar si ay u sugaan Amniga Magaalada, waxaana wadooyinka waa weyn ee Magaalada Jowhar la soo dhoobay Ciidamo badan.
Qaban qaabo ku aadan caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa ka socota Magaalada Jowhar, waxaana gabi ahaanba si weyn loo adkeeyay Amniga xarunta lagu wado in uu ka dhaco caleemo saarka.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madax ka socota Maamulka Goboleedyada iyo xubnaha Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan caleemo saarkan.
Wariye Maxamed Ciise Maxamuud oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Jowhar ayaa ka hadlaaya sida ay u socoto qaban qaabada Xafladda Caleemo saarka Madaxda Hirshabeelle.