Cadaado-RisaalaFM- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo warbaahinta la hadlay ayaa Maamulka Ahlu-sunnah ugu baaqay in ay aysan caburin Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka imaanaya Deegaanada Galmudug.
C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in aan la aqbali karin Mas’uuliyiinta Ahlu-sunnah in ay cadaadis saaraan Ergooyinka soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka ee qeybta ka noqonaya Dowladda cusub.
Wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan qaadan karin in is hor istaag lagu sameeyo Dadka iyo xubnaha qeybta ka ah Doorashooyinka sanadkan la filayo in ay Dalka ka dhacaan.
Ergooyinka soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka ka imaanaya Deegaanada Galmudug ayaa ku sii qul qulaya Magaalada Cadaado, waxaana Dalka dhowaan la filayaa in ay ka dhacaan Doorashooyin.