Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qalab caafimaad oo hal konteynar ah ka guddoontay ururka Soomaalida ee dalka Finland. .
Wasiirka Wasaaradda caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed oo maanta shir Jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa sheegtay in qalabkaan caafimaadka ah ee la soo gaarsiiyay uu wax badan ka tarayo baahiyaha dhanka adeegyada caafimaadka ee ka jira Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in ay qalabkaan la soo gaarsiiyay ay gaarsiin doonaan gobolada dalka gaar ahaan gobolada ay ka jiraan baahida adeegyada Caafimaad.