Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamed Axmed Jimcaale “Cirfiid” ayaa gaaray degaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose , halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ay Weeraro kala duwan ay ku qaadaayeen.
Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa taliyaha kusoo dhaweeyay degaanka Bariire ee Shabeelaha Hoose, waxaana uu tagay Saldhigga Ciidamada dowladda ee halkaasi ku yaalla.
Generaal Cirfiid oo la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Bariire ayaa sheegay in halkaan la iska fadhin doonin, islamarkaana la qaadayo howlgal saf balaaran oo dalka looga saarayo Al-Shabaab.
Afhayeenka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Iimaan ayaa Risaala uga waramay Safarka taliyaha.