Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa maanta la doortay, waxaana loo doortay ilaa 6 Senator oo ka kala socda Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.
Guddigan ayaa waxa ay ka shaqeyn doonaan dardar gelinta, da dejinta iyo Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa waxaa loo doortay Senator Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo laga soo doortay Hirshabeelle, halka Xoghayaha loo magacaabay Senator Farxaan Cali Xuseen oo ka socda Puntland.
Wariyaheena Axmed Cabdi Cali ayaan ka wareysanay xilliga ay dhaceyso Doorashada Guddoonka Aqalka Sare.