Dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay sheegtay in ay wado sidii ay u xoojin laheyd midnimada shacabka Soomaaliyeed, kadib markii shalay Magaalada Muqdisho uu booqasho rasmi ah ku yimid xoghayaha arrimaha Dibadda dalka Ingiriiska.
Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka oo la hadlay Risaala ayaa sheegay kulan ay la qaateen Xoghaye Boris in ay kala hadleen midnimada Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya looga dhigi lahaa meel nabad ah.
Sidoo kale Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay Dowladda Ingiriiska in ay ka shaqeyneyso in Soomaaliya ay ku soo noqoto sideedii hore, sidoo kalena ay midoobaan shacabka Soomaaliyeed.