Xildhibaanadii ku bahoobay Dalada Horusocod ayaa beeniyay in ay jiraan wararka sheegay Dowladda Soomaaliya in ay Kenya u gudbisay dacwad ka dhan ah Xildhibaanadan oo ku sugnaa Magaalada Nairobi.
Xildhibaan C/fataax Ismaaciil Daahir oo la hadlay Risaala kana mid ah xildhibaanada ku bahoobay madasha Horusocod ayaa beeniyay warkaasi, oo ay baahiyeen warbaahinta qaar ee dalka.
Waxa uu sheegay Xildhibaanada iyaga xitaa in ay ka tirsan yihiin Dowladda ayna jirin meel kale oo lagu dacweeyo, arrimahaasina ay wataan shaqsiyaad gaar ah.