DHAGEYSO WAREYSI: Wasaaradda Amniga K/Galbeed oo sheegtay inaan la caburinin siyaasiyiinta

Wasiiru Dowlada Wasaraadda Amniga ee Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir C/raxmaan Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan wax caburin ah aan lagu heynin siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed.

C/qaadir C/raxmaan Cali ayaa dhanka kale sheegay in ay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo maamulka bartilmaameysanyo, kuwaasi oo uu sheegay in ay caqabad ku yihiin hormarka ka socda degaanada Koonfur Galbeed.