Ciidamada Amaanka Buula-burde ayaa xalay gurigiisa kala baxay mid ka mid ah wariyeyaasha ka howgala magaaladaas.
Lama oga sababta ka dambeysay in Ciidamada ay kala baxaan gurigiisa wariye Amiin C/asiis Sheekh Cali, oo ka howlgala Radio Hiiraan-weyn qeybta Buula-burde.
Agaasimaha Idaacadda Hiiraanweyn Maxamed Cusmaan Makaraan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay ilaa iyo hada in aysan garaneyn sababta ka dambeysa in wariyaha ay wataan Ciidanka ammaanka, ogeysiis la’aan.