DHAGEYSO WAREYSI: Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka gobolka Mudug

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaano dhowr ah oo hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in ay saaka halkaasi ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan dagaalyahanada Al-Shabaab iyo sidoo kale ciidanka Huwanta ah.

Xaalad deganaansho ah oo aan cago badan ku taagneyn ayaa laga dareemaya Degaanka Ceel Cabdi oo ay  ku dagaalameen ciidamada Galmudug iyo Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa Saaka lagu wadaa in ay ka ruqaansadaan degaano u dhow degaanka Camaara ,islamarkaana ay u jiheystaan dhanka degmada Xarardheere oo ay joogaan Al-Shabaab.

 Dhame Xasan Xuseen oo ka mid ah Saraakiisha dagaalka hogaaminaysa ayaa Risaala u sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay Saaka doonayaan in ay sii wadaan howlgalka ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan degmada Xarardheere.