DHAGEYSO WAREYSI: Taliyihii Ciidanka Ilaalada Soomaaliya oo geeryooday

General Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa Idaacadda Risaala uga waramay Geeridii xalay ku timid Allaha u naraxiistee Taliyihii Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Soomaaliya Cali Maxamuud Cali (Shariif).

Cali Gaab ayaa sheegay Cali (Shriif) inuu ahaa nin ka soo shaqeeyay Ciidamada xoogga dalka, isku marna ay ku soo biireen Booliska Soomaaliya, sidoo kalena uu ahaa nin Soomaali ah oo shaqadiisa ka adkaa oo dalka iyo dadka daacad u ahaa.

Wuxuu kaloo sheegay General Cali (Gaab) in bilooyin ka hor loo qaaday dalka Hindiya xaalad caafimaad daro awgeed, kadibna lagu soo celiyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.