Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka dilaacay cudurka Shuban-biyoodka oo dad badan uu soo ritay.
Ugu yaraan 15 Qof ayaa u geeryootey cudurkan Shuban-biyoodka ee ka dilaacay Degmada Mahadaay, sida ay sheegeen Maamulka Degmadaasi.
Cudurkan ayaa ka dilaacay Tuulooyin iyo Degaano hoos yimaada Degmada Mahadaay, waxaana cudurkan inta badan uu ku dhacay Haweenka iyo caruurta.
Gudoomiyaha Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay cudurkan in ay u geeryoodeen dad kor u dhaafaya 10 Qof.