Dagaalyahano horleh oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa maanta oo Jimco ah iska dhiibay magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaalya.
Shabaabka isa soo dhiibay oo ku sugnaa banaanka Baydhabo ayaanan weli la sheegin tiro ahaan waxa ay gaarayaan, waxaana halkaasi ka soo kaxeeyay wafdi Masuuliyiinta degmada ay ka mid yihiin, kadib wada hadal dhexmray, kahor inta aanan la doonin.
Markii aan warkaas maqalnay ayaan la xiriirnay Wasaaradda Amniga Maamulka gaar ahaan Wasiiru Dowlaaha Amniga Maamulka Koonfur Galbeed oo inoo sheegay in warkaas uu jiro, waxaan weydiinay tirada Shabaabka isa soo dhiibay, wuxuu inoo sheegay in tiro ahaan uusan hada sheegi karin, balse ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan waqtiyada soo socda.