Home Wareysiyada DHAGEYSO WAREYSI: Saraakiil Shabaab ka tirsanaa oo isku dhiibay KGS

DHAGEYSO WAREYSI: Saraakiil Shabaab ka tirsanaa oo isku dhiibay KGS

SHARE

Magaalada Buurhakaba oo ka tirsan Gobolka Baay maanta waxaa iska dhiibay laba sarkaal oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Cusmaan Cabdi Xasan iyo Cali Uunsow Maxamed.

Raggan oo Shabaab u qaabilsanaa dhanka amniyaadka ayaa waxa ay ku sugan yihiin xarunta degmada, waxaana gacanta ku haya Guddoomiyaha degmada Buurhakaba iyo saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf (Gacma) oo la hadlay Radio Risaala ayaa xaqiijiyay warkan, wuxuuna sheegay raggan isa soo dhiibay in ay dhib ku hayeen shacabka Koonfur Galbeed, balse hada ay ka soo laabteen go’aankooda hore.