Waxaa faahin faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax duhurnimadii maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Qaraxan ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari Hoomey ah, kaasi oo la soo saaay Khudaar, laguna soo dhexqariyay waxyaabaha Qarxa.
Qaraxan ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Wadajir ayaa si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.
Goobjooge ku sugnaa goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaan ka wareysanay arrimahaasi.