Home Wareysiyada DHAGEYSO WAREYSI: Nin xaaskiisa oo xaamilo aheyd ku gowracay Magaalada Muqdisho

DHAGEYSO WAREYSI: Nin xaaskiisa oo xaamilo aheyd ku gowracay Magaalada Muqdisho

SHARE

Sida ay Risaala u xaqiijiyeen dadka kunool Xaafadda Suuqa Xoolaha ee gobolka  Banaadir nin ayaa Saakay Xaaskiisa ku gowracay Xaafadda Suuqa Xoolaha.

Gabadha uu dilay ninkaasi ayaa lagu magacaabi jiray Abshiro Nuux , waxaana la sheegay in uu ku dilay Mindi.

Dhacdadaan ayaa dadka degaanka waxa ay ku abuurtay Naxdin badan , waxaana baxsaday ninkii dilay xaaskiisa oo lagu magacaabo Aadan Cali Macalin.

Arinta kale ee naxdinta leh ayaa ah in Abshiro uur ay laheyd weliba xaamilo ay aheyd, balse aysan calfan inay dhasho uurkaasi, kadib markii tuhunka la xiriira inay nin kale xiriir la leedahay nafteeda ay sababsatay, saygeedana uu gowracay.

Ismaaciil oo ah Wiil ay eedo u tahay Haweenayda la dilay ayaa Idaacada Risaala u sheegay inay aad uga naxeen falkaan, illaa haddana aanan meel lagu sheegin gacan ku dhiiglaha falka dilka ah fuliyay.

Dadka degaanka ayaa sheegay inuu muddo soo taagnaa muranka ka dhaxeeyay Abshiro Sheekh Nuux Maalin oo ah Haweenayda la dilay iyo Saygeeda Aadan Cali Macalin.