Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow gaaray Magaalada Kismaayo, waxaa soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Jubbaland.
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo cutubyo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ujeedka Madaxweynaha uu u tagay Magaalada Kismaayo, ayaa lagu soo waramayaa inay tahay dhiiragelinta ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Magaaladaasi, kuwaasi oo dhawaan qaadaya hawlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab.