Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu gaaray wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa loo galbiyay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo, halkaasi oo kulamo uu kula qaadan doono Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, ciidamada Itoobiya iyo kuwa Koonfur Galbeed, ayaa ammaanka iska kaashanaya.
Ilaa iyo hada si rasmi ah looma oga safarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku gaaray Magaalada Baydhabo.
Wariyaheena Siid Cali Muuse Maxamed oo Magaalada Baydhabo inooga soo warama ayaan arimahaasi ka wareysanay.