DHAGEYSO WAREYSI: Ku saabsan xiisad ka taagan Galgaduud

DHAGEYSO WAREYSI: Ku saabsan xiisad ka taagan Galgaduud

SHARE

Degaanka Gadoon oo dhowr iyo 30-KM ujira Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa xiisado u dhaxeeya Maleeshiyo beeleed wada dega Degaankaasi.

Waxgarad is xil qaamay ayaa ku baxay qaboojinta xiisadahaasi, waxana xiisadan la sheegay in ay soo taagneyd 11-kii sano ee la soo dhaafay.

Nabadoon Macalin Xaashi oo ah Madaxa Odayaasha Dhaqanka Degaanka Gadoon ee Gobolka Galgaduud oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in la joojiyo xabada.