DHAGEYSO WAREYSI: Ku Saabsan Wada hadaladii Galmudug iyo Ahlusuna

Wada hadaladii la filayay in Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu ku dhexmaro Maamulada Galmudug iyo midka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna ayaa shalay la shaaciyay in uu fashilmay.

Heshiiskan ayaa waxaa garwadeen ka aheyd Dowladda Federaalka, gaar ahaan qaar ka tirsan Wasiirada oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa.

Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug ahna Gudoomiyaha Guddiga wada hadalka Galmudug Cusmaan Maxamed Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay Dowladda Federaalka in ay ku guuleysan weyday in ay Ahlusuna ku qanciso wada hadalka, ayna ka qeyb qaataan Nabadda.