Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay Howgallo ka wadaan tuulooyin hoostaga Degaanka Goof-gaduud.
Gudoomiyaha Degaankaasi Goof-gaduud Buurey Xasan Xuseen oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay Howlagaladan in ay yihiin kuwo amniga lagu sugayo.
Waxa uu sheegay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed in ay diyaar u yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada mararka qaar ka yimaada Shabaab.