Home Wareysiyada DHAGEYSO WAREYSI: Ku saabsan Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka

DHAGEYSO WAREYSI: Ku saabsan Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka

SHARE

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana ku tartamaya ilaa 4 Musharax.

Guux badan ayaa durba soo baxaya oo ku aadan loolanka adag ee loo galayo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashadan ayaa ka duwan Doorashadii horey Soomaaliya uga dhacday 2012-kii, sida ay sheegeen siyaasiyiinta iyo dadka shacabka ah.

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqore oo dhankiisa la hadlay Risaala ayaa waxa uu sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan si guul ahna ay ku soo dhamaato Doorashada maanta dhaceysa.