DHAGEYSO WAREYSI: K/Galbeed oo ka hadashay Shabaabka ay dishay

Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxa uu ka hadlay weerar qorsheysan oo ay saakay ku qaadeen degaanka Saydheelow oo ka tirsan Gobolka Baay, hoostaggana Degmada Baydhabo ee xarunta Gobolkaasi.

Weerarkaasi ayaa waxaa lagu dilay Shan nin oo ka tirsan Al Shabaab, sida uu sheegay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska gaarka ah Mamulka Koonfur Galbeed.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska gaarka ah Mamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay raggaan ay dileen ciidamada Koonfur Galbeed inay dhibaato ku hayeen dadka degaanka Saydheelow.