Home Wareysiyada DHAGEYSO WAREYSI: Is rasaaseyn ka dhacday Baydhabo

DHAGEYSO WAREYSI: Is rasaaseyn ka dhacday Baydhabo

SHARE

Baydhabo-RisaalaFM- Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ka dhacday Is rasaaseyn u dhaxeysay Ciidamo ka wada tirsan Koonfur Galbeed, sida uu soo sheegayo wariyaha Risaala ee magaaladaasi.

Israsaaseyntan ayaa si gaar ah uga dhacday goob raashiin lagu qeybinayay oo ku taalla wadada Sodonka ee magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Baay.

Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay is rasaaseyntan in ay timid kadib markii uu muran soo kala dhexgalay Ciidamo halkaasi ku wada sugnaa, kadib ay xabad isku bilaabeen.

Siid Cali Muuse Maxamed ayaa khadka telefoonka waxa uu ugu waramay Maxamed Abuukar Dabaashe.