DHAGEYSO WAREYSI: Imtixaanaadka Dowladda oo dalka looga fariisanayo Maanta

Kumanaan Arday Soomaaliyeed ayaa maanta u fariisanaya Imtixaanaadka mideysan ee shahaadiga, kaasoo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ardayda maanta u fariisinaya imtixaanaadka mideysan ee Dugsiga Sare ayaa loo diyaariyay goobo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Dalladaha waxbarashada ayaa horay ugu heshiiyay in si wadajir ah loo qaado Imtixaanaadka mideysan.

Sidoo kale waxaa imtixaanka mideysan ee Wasaaradda Waxbarashada qaadeyso ayaa ka bilaabanaya qaar ka mid ah gobolada dalka ee Soomaaliya Sida Galmudug , Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii Saddexaad qaadeysa imtixaan mideysan.

Qaar ka mid ah Ardayda imtixaanka galaya ayaa dareenkooda ka hadlaya.