Home Wareysiyada DHAGEYSO WAREYSI: Howlgal xalay laga sameeyay Duleedka Muqdisho

DHAGEYSO WAREYSI: Howlgal xalay laga sameeyay Duleedka Muqdisho

SHARE

Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa xasilinta ayaa xalay Howlgal gaar ah waxa ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan xaafadaha degaanada halkaasi ku yaalla.

Ciidamada oo Howlgalkooda uu qaatay saacado badan ayaa waxa ay si gaar ah uga wadeen agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, halkaasi oo habeen ka hor lagu dilay Cabdi Nuunow Aadan oo ahaa nin ka tirsanaa Ergadii magaalada Baydhabo ku soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Dhanka kale Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil C/laahi  oo la hadlay Risaala ayaa sheegay intii Ciidamada ay howlgalka wadeen in gacanta ay ku soo dhigeen Gaari SPACIO ah, kaasi oo laga qaatay Cabdi Nuunow Aadan, kadib dilkii loo geystay.