Home Wareysiyada DHAGEYSO WAREYSI: Howlgal lagu dilay Al-shabaab

DHAGEYSO WAREYSI: Howlgal lagu dilay Al-shabaab

SHARE

Gudoomiye Ku xigeenka Dhinaca Ammaanka ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Cali Nuure Maxamed ayaa sheegay in Afar Dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab shalay gelinkii dambe lagu dilay wadada xiriirisa Degaanka Xaawo-cabdi iyo Laanta Buuro.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Cali Nuur raggan Ciidamada Millitariga Soomaaliya ay dileen in dhowr jeer ay dilal ka geysteen degaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, shalay oo ugu dambeyseyna ka hor inta aanay howlgalka lagu dilin ay rasaas ku fureen Gaari ay la socdeen Odayaal, halkaasi oo ay ku geeryoodeen laba Oday iyo Askari la socday.