DHAGEYSO WAREYSI: Guddoomiye Waaxeed lagu dilay Muqdisho

DHAGEYSO WAREYSI: Guddoomiye Waaxeed lagu dilay Muqdisho

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa barkhanimadii maanta isku rasaaseeyay Degmada Kaaraan ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Qof goobjooge ah ayaa Risaala u sheegay Israsaaseynta in ay timid kadib markii Xarunta degmada Kaaraan oo gargaar qeybin ka socotay ay weerareen Ciidamo doonayay iney qeyb ka helaan raashinka oo loo qeybinayay dadka danta yar ee ku nool degmadaasi.

Ciidamadii goobta weeraray ayaa hakad galiyay raashin qeybinta, waxaana loo sheegay in ay xaalka dajiyaan qeybtoodana laga siinayo gargaarkii la qeybinayay.