Guddoomiyaha Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cismaan Cabdi Qalafoow ayaa xilkii laga qaaday, waxaana lagu badalay Maxamed Food-cadde.
Sidoo kale waxaa xilka laga qaaday Gudoomiye ku xigeenka Beledweyne Muuse Cabdi Daahir, waxaana lagu bedelay Qadar Xasan Afrax, sida ku cad warqad ka soo baxday Maamulka Hirshabeelle.
Madaxa Maaliyada Degmada Beledweyne iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale xilalkii laga qaaday, waxaana lagu bedelay Mas’uuliyiin cusub.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa xilka qaadistan ku sameeyay Mas’uuliyiintan.
Maxamed Cismaan Cabdi Qalafoow oo ahaa Gudoomiyihii Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay xil ka qaadistan lagu sameeyay.
Wariyaheena Yuusuf Cabdi Aadan ayaan arrimahaasi ka wareysanay.