Ka dib howlgal ay si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada Booliska iyo sidoo kale kuwa Nabad suggida ee howlgalla Magaalada Cadaado ayaa waxaa ay kusoo qabteen 2 ruux oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilka gabar 7 sano jir ah oo inta la gowracay Meydkeeda lasoo dhigay Magaalada Cadaado.
Taliyaha Saldhiga Magaalada Cadaado Cumar Xuseen Muumin ayaa Risaala u sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen labo qof oo lagu tuhmaayo falkaasi naxdinta badan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay sharciga horkeeni doonaan dadkaasi, islamarkaana ay baaritaan dheer ay ku sameyn doonaan sababta keenay dilka gabadhaasi yar ee todobo sano jirka ah.
Gabadha yar ayaa la sheegay in ay gowracday Haweenay ay carruurteeda ay la ciyaari jirtay.