Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay kooxo hubeysan oo Dagaal beeleedyo ka hurinayay Degaano hoostaga Gobolka Galgaduud, halkaasi oo dhowaanahan ay ku dagaalamayeen xubno ka tirsan Maleeshiyo beeleed.
Wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha ee Mamulka Galmudug iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga gaaray Degaanka Gadoon oo 30-KM u jira Magaaalada Dhuusa-mareeb.
Xubnahan ayaa u jeedada ay u gaareen Degaanka Gadoon waxa ay tahay sidii loo xalin lahaa Dagaal beeleedyada, sidoo kalena gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxaha Dagaaladan hurinaya.
Maxamed Nuur Diini (Afweyne) Wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha ee Mamulka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay Ciidanka ammaanka in ay gacanta ku dhigeen rag hurinayay Dagaal beeleedyada.