DHAGEYSO WAREYSI: CXDS oo weerar ku ah degaanada ay sugan yihiin Al-Shabaab

C/llaahi Cali Caanood Abaan duulaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgalada Ciidanka ay ka wadaan labada gobol ee Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

Abaanduulaha ayaa sheegay in Al-Shabab ay ka saareen degaano ay kaga sugnaayeen labada gobol isla markaana ay hada ku baxsadeen dhanka xuduudaha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in mudada ay ku sugan yihiin gobolka Sh/dhexe iyo gobolka Sh/hoose aysan weeraro xoogan ku soo qaadinAl-Shabaab balse ay ciidanka ay weeraraayeen degaanada ay ku sugan yihiin.

Waxa uu tilmaamay in ay ku dadaalayaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin labada gobol inta aysan roobabka ka bilaaban labadaasi gobolka Sh/hoose iyo sh/dhexe.

C/llaahi Cali Caanood Abaan duulaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale idaacada Risaala u sheegay in guud ahaan gobolada dalka laga saarayo Al-Shabaab si loo fuliyo amarka madaxweynaha sida uu sheegay.