Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Saakay Hawgal ka Sameeyay duleedka Magaalada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Maxamed Cabdulle Fiidow oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxaa uu sheegay in howlgalkaan lagu xaqiijinaayay Ammaanka degaanada hoos yimaada Jalalaqsi.
Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu Soo qab qabtay sagaal ruux oo hadda baritaanno ku saabsan waxa ay ahaayeen ku hayaan Ciidamada.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday degaano hoos yimaada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.