Dadka kunool Xaafadaha magaalada Gaalkacyo ayaa bilaabay saaka in ay ka barakacaan magaalada ka dib markii ay soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan in ay ku duldagaalamaan ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug oo la soo dhoobay xaafadaha magaalada Gaalkacyo.
Ciidamo aad u farabadan ayaa la soo dhoobay Waqooyiga iyo sidoo kale Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Dadka deegaanka ayaa idaacadda Risaala u sheegay in Puntland iyo Galmudug ay xalay Gaalkacyo Keeneyn ciidamo dheeraad ah , waxaana ciidankaasi ay saakay gaaf wareegayaan xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyeyaasha Magaalada Gaalkacyo Xirsi yuusuf Barre iyo Maxamuud Yasiin Axmed Tumay oo aan la xariirnay ayaa inoo sheegay in ay wadaan dadaalo lagu doonaayo in uusan markale dagaal ka dhacin Magaalada Gaalkacyo.
Waxgaradka iyo sidoo kale Culimada ayaa lagu wado in ay maanta kulan ku yeeshaan magaalada Gaalkacyo , kasoo looga hadlaayo xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Galmudug.
Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa shalay ku dagaalamay Gaalkacyo waxaana ku dhintay ku dhawaad 6 qof , halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.
Mid ka mid ah dadka kunool Magaalada Gaalkacyo oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa ka warbixinaya xaalada guud ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.