Home Wareysiyada DHAGEYSO WAREYSI: Maxaa ka dhalankara khilaafka u dhaxeeya Baarlamaanka iyo Maxkamadda Sare?

DHAGEYSO WAREYSI: Maxaa ka dhalankara khilaafka u dhaxeeya Baarlamaanka iyo Maxkamadda Sare?

SHARE

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale Maxkamadda Sare ee dalka ayaa waxa ay isku khilaafsan yihiin ku celinta kuraasta 8 Xildhibaan oo lagu eedeeyay in ay kusoo baxeen Hanaan ka baxsan Sharciga doorashadda.

Warqad horay uga soo baxday Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay in dib loogu laabto kuraasta sideedaasi Mudane, laakiin kulan ay shalay ku yeesheen Muqdisho Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayay ku laaleen Go’aanka Maxkamadda Sare.

Xalay Warqad kasoo baxday Maxkamadda Sare ayaa lagu Amray Hay’addaha fulinta ay fuliyaan Amarkii Maxkamadda Sare , baarlamaankana aysan khuseyn ku laabashadda Sideedaasi Xildhibaan.

Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee dhanka Sharciga ayaa sheegaya in tani ay tahay Khilaaf dhanka Awooda ah oo soo shaac baxay.

Maxamed Cumar Meyre oo ah Sharci yaqaan ayaa Risaala uga waramay saameynta ay yeelankarto Khilaafka Xildhibaanada iyo Maxkamadda Sare.