Sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta degmada Luuq ee gobolka Gedo Al-Shabaab ayaa Afduubtay Shaqaallo Gargaar oo ka shaqeynaayay Talaalka .
Taliyaha Saldhiga degmada Luuq Diyaad Cabdi Kaliil ayaa Risaala u sheegay in Shaqaalahaasi Gaari ay saarnaayeen laga Afduubteen meel 15 Km u jirta degmada Luuq.
Waxaa uu sheegay in Joornaati Shan maalin ay ugu shaqeynaayay Hay’adda WHO oo ka shaqeynsa Caafimaadka.
Taliyaha ayaa xaqiijiyay in shaqaalahaasi ay hadda gacanta ugu jiraan Al-Shabaab.
Shaqaalaha la Afduubtay ayaa dhammaantood ah Soomaali .