DHAGEYSO: Warbixin: Qaraxii Isgoyska Zoobe oo laga joogo muddo bil ah

Muddo bil ah ayaa laga joogaa Qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska Soobe 14-kii Bishii hore.

Bil kadib Isgoyska Soobe isbedel ayaa laga dareemayaa oo dhan walbo ah goobihii ganacsiga dadka qaar waa ay dhisteen halka kuwa kalena aysan weli dhisan, sidoo kalena wadada waxa ay noqotay mid caadi ah oo dadku ay isticmaalayaan.

Laakiin quluubta shacabka Soomaaliyeed kama aysan go’in wixii ka dhacay isgoyska Soobe oo ay ku dhinteen dad gaaraya 400 ruux, kuwaasi oo ahaa shacab Isgoyska ku sugnaa xilliga uu qaraxu dhacaayay.

Isgoyska Soobe oo kamid ah isgoysyada ugu mashquulka badan ee Muqdisho ayaan weli soo kabsan, waxaana la dareemayaa saameynta qaraxu uu reebay.

Ganacsigii badnaa ee ka jiray isgoyska Soobe weli dib uma soo laaban, sababtoo ah qaraxa ayaa burburay dhamaan goobihii ganacsi.

qaar ka mid ah dadka goobahooda ganacsiga ku burburay qaraxa ayaa sheegay in ganacsigooda ay dib u bilaabeen ka dib markii ay dhisteen goobahooda ganacsi balse hada ganacsigooda sidii hore uusan ahayn.

Inkastoo hadda goobaha ganacsiga Isgoyska Soobe dib u dhis uu ku socdo, qaarkoodna la dhisay haddana Isgoyska ma’ahan sidii hore oo dadka ay u isticmaali jireen, maadaama cabsidii ka dhalatay Qaraxii Soobe weli ay taagan tahay.

Shacabka Muqdisho qaarkood ayaa soo dhaweeyay in dib loo isticmaalo wadada iyo dadka goobaha ganacsi ku leh.

Qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in dib u dhis goobo ganacsi laga bilaabo isgooyska Soobe.

dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada dalka ayaa shacabka Muqdisho u muujiyay dareenkooda ah iney ka xun yihiin khasaaraha ka soo gaaray qaraxa, waxaana magaalooyinka gobolada dalka ka dhacay banaanbaxyo loogu soo horjeedo qaraxii dadka badan ay ku dhinteen.

Soomaalida ku nool dalka dibadiisa iyo shacabka gobolada dalka ayaa bilaabay gurmad lacageed oo loo sameynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Soobe ka dhacay.

Magaalada Muqdisho waxaa muddo todobaad ah ka soconaayay howlo gurmad ah iyo banaanbaxyo loogu soo horjeeday wixii dhacay.

Idaacadda Risaala oo gudaneysa Waajibaadka saaran iyo magaca ay xambaarsan tahay ee ah Risaala ayaa bilowday barnaamij maalin ah oo toos idaacadda ugu baxayay kaasi oo bulshada Soomaaliyeed lagu baraarujinaayay iney walaalahooda u gurmadaan, waxaana Idaacadu sameysay telefoon number iyo Accoun gaar ah.

Natiijada Barnaamijkaasi ka soo baxday ayaa noqotay in qoysas badan la guddoonsiiyo qoys walbo lacag dhan 500 oo doolar.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo boqolaal dadweyne ah kula hadlaayay Garoonka Koonis ayaa sheegay in dowladiisu ay dhiseyso ciidamada difaaca dadka. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo bil ah kadib ah wax natiijo ah ka soo saarin baaritaanka qaraxii Soobe maadaama markii uu qaraxu dhacay ka dib dowladu sheegtay in baaritaanka la sameeyo natiijada ka soo baxda bulshada loo soo bandhigayo.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dad loo soo xirxiray qaraxa dhacay balse ilaa iyo hada majiro shaqsiyaad warbaahinta loo soo bandhigay.

Wasiirka Wasaarada amniga gudaha ee dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in qaraxa Soobe dad loo soo qabtay.

Saraakiisha sare ee Hay’adda NISA ayaa Shirkii ugu dambeeyay ee golaha Wasiirada ay yeesheen waxa ay ku soo bandhigeen macluumaad ku saabsan dadka loo hayo qaraxii Soobe balse ilaa hada dadka Soomaaliyeed looma soo bandhigin tirada rasmiga ah iyo muuqaalada dadka loo soo qabtay iney ka dambeeyeen qaraxii Soobe.

WD: Axmed Cabdi Cali