Home FAALLOOYINKA DHAGEYSO: Warbixin ku saabsan Xaaladda Musuqmaasuqa Soomaaliya

DHAGEYSO: Warbixin ku saabsan Xaaladda Musuqmaasuqa Soomaaliya

SHARE

Musuq maasuqa waa arrin muuqata oo ka jirta dunida taas oo dhibaato ba’an u geysata dadka saboolka ah, cuuryaamisa kobaca dhaqaale ee ka dhexeeya dadka.

Musuq maasuqu wuxuu duudsiiyaa adeegyada asaasiga ah ee lagu qaban lahaa lacagta sida daran loogu baahan yahay Billow ilaa dhammaad, malaayiin ayuu mugdiga musuq maasuqu saameeyay.

Musuq maasuqa soomaaliya ka jira ayaa hada waxa uu gaaray heer aad u sareeya waxaana warbixinadahHay’addaha caalamiga ah ay sanad walbo soo saaraan lagu sheegaa in Soomaaliya ay meel sare ka gaartay.

Dadka soomaaliyeed ayaa aaminsan in dadka howlaha markii loo qabanayo lagu qasbo bixinta lacago laaluush ah taasi oo ka dhigan in musuq maasuqa uu gaaray heer aad u sareysa marka loo eego soomaaliya.

Musuq maasuqa soomaaliya ka jira ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay mid aad u baahay oo lagu micneeyay jeebkaaga oo gacanta geliso ay howshaada kaa xigto in lagu fuliyo.

9 December sanad walbo waxaa guud ahaan soomaaliya iyo caalamka laga xusaa maalinta la dagaalanka musuq maasuqa.

Sii hayaha xilka Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyadda soomaaliya Shire Axmed Jimcaale aya ka hadlay ahmiyada maanta oo kale ay leedahay.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sharaxaya meelaha uu sida aadka ah Soomaaliya ugu saameeyay musuq maasuqa.

Cabdi barre Yuusuf Jibriil oo ka mid ahaa xildhibaanadii hore ee baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegay in dowladdaan ay wax badan la dagaalanka musuq maasuqa.

Xildhibaan C/fitaax Qaasim oo ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa dowladda soomaaliya ugu baaqay iney xoojiso dadaalada ay kaga hortageyso musuq maasuqa.

Soomaaliya ayaa sanadkii hore ka mid noqotay 10-ka dowladood ee ugu musuq maasuqa badan dunida sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda ka shaqeysa ka hortaga Musuq maasuqa.

WD: Axmed Cabdi Cali