Muqdisho-RisaalaFM- Marka laga hadlaayo saxiixista heshiis ku saabsan dhanka Gaashaandhigga sida sharciga uu qabo waxaa geli kara labo Dowladood oo dhexmaray is fahan ku aadan heshiiskaasi, balse Maamulka Soomaaliland oo isku arka in uu yahay dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale ayaa heshiis saldhig Millitari ah waxa ay la galeen Imaaraadka carabta.
Soomaaliland ayaa u arakta heshiiskaasi ay la gashay Imaaraadka Carabta in ay faa’iido ka heleyso oo dhanka Hormarada ah iyo faa’iidooyin kale oo dhanka Millitariga ah, iyada oo aanan eegin khatarta ka dhalan karta saldhigaasi Millitari.
Heshiiska rasmiga ah ee Soomaaliland ay ugu ogolaatay Imaaraadka Carabta saldhiga Magaalada Berbera ayaa ku qotoma qodobada soo socda:-
1.In saldhig Millitari laga siiyo dalka Imaaraadka Carabta Magaalada Berbera.
2.In loo ogolaado in saldhig ay u isticmaalaan Madaarka Magaalada Berbera.
3.In loo ogolaado in ay ka sameystaan jihada waqooyiga Madaarka gaar ahaan dhinaca Badda Dekad dhismaheedu uu kooban yahay taasi oo u gaar ah Ciidamada.
4.In loo ogolaado in ay dib u dhis iyo casriyeyn ku sameeyaan dhabaha Diyaaradaha iyo guud ahaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Berbera.
Mudada heshiiska waa 25 sano oo ka bilaabaneysa marka ay si rasmi ah u kala saxiixdaan labada dhinac, waxaana mudada heshiiska kadib dhammaan wixii dhismayaal iyo kaabayaal dhaqaale laga hirgeliyay Madaarka iyo Dekada ay noqonayaan Hanti Qaran.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Soomaaliland Saxardiid Cadaani ayaa sheegay in fursad weyn ay Soomaaliland u tahay heshiiskaasi.
Baarlamaanka Soomaaliland ayaa meel mariyay heshiiskaasi ku aadan saldhiga Milliatari ee Imaaraadka Carabtu ay ka dhisanayaan Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, inkastoo saxiixa heshiiskan uu ku kooban yahay Maamulka Soomaaliland oo keliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaasi waxa ay ku tilmaamtay mid sharci daro ah, maadaama aanan lagu soo wargelin, sida uu horey u sheegay Hanti-dhowrka Qaranka Dr.Nuur Faarax Jimcaale.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo dhowaan tagay Dalka Sacuudiga ayaa Boqorka dalkaasi kala hadlay arrinta saldhiga Imaaraadka ee Berbera, taasi oo keentay xiisad siyaasadeed oo ka dhex ka dhalatay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
W/D:- Feysal C/laahi Maxamuud