DHAGEYSO WARBIXIN: Dib u dhis lagu bilaabay Suuqa Beerta

Muqdisho-RisaalaFM- Suuqa Beerta Waa Suuqa ugu weyn ee ku yaalla Degmada Waaberi, Sidoo kalena Waxa uu ka mid yahay Suuqyada Ganacsi ee ku yaalla Muqdisho.

Suuqa Beerta Waxa uu Ku yaalla Waaxda 2-aad ee Degmada Waaberi oo lagu Magacaabo Waaxda Octoober, Suuqa Waxaa dhex mara Wado weyn oo ay si joogto ah u isticmaalaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa yar yar.

Waa Suuq lagu iibiyo Qudaarta noocyadeeda kala duwan, Dhuxusha, raashiinka qeybihiisa kala duwan, Bakaashka iyo Agabyada kale oo ay bulshada Soomaaliyeed sida Joogtada ah u isticmaalaan.

Suuqa Waxaa Maalin kasta yimaada boqolaal dadweyne ah qaarkood Waa ganacsato, qaarna waa dad adeeg u soo doonta.

26-kii Bishaan oo ahayd Maalin ka hor Waxaa ka dhacay Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, Waxa uu dhacay Xilli Suuqa uu ahaa mid buuxay.

Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa Maanta booqatay Suuqaasi, Waxaana ka muuqanaayay burbur hantiyadeed oo ka dhashay Qaraxa.

Inkastoo ay Maanta Xaaladu iska daganeyd ayaa hadana Waxaa jirin Mashquulkii faraha badnaa ee Maalmo ka hor Suuqaasi ka jiray.

Qof ku sugnaa Xilliga uu Qaraxu dhacaayay oo diiday in Magaciisa aan u adeegsano Warbaahinta ayaa Risaala u sheegay sida Maalintaas Wax u dhaceen.

Gaariga inta uusan qarxin Waxaa ka shakiyay Ciidanka Dowladda ee ku sugnaa Suuqa, Waxa ay ka soo Ka xeeyeen Gaariga iyo ninkii waday meel ka fog meesha uu ku qarxay.

Sidoo kale inta uusan gaariga qarxin Waxaa Su’aalo la weydiinaayay Xasan Cabdi oo ahaa Ninkii waday Gaariga qarxay iminka gacanta ugu jira Hay’adda amaanka ee Dowladda.

Maanta Waxaa dib loo dhisayaa goobihii ganacsi ee ku bur buray qaraxaasi, sidoo kale Waxaa dib u furmay goobihii ganacsi ee Suuqaasi.

Dhismaha iyo dayactirkii goobihii ku bur buray qaraxii ka dhacay Suuqa Beerta ka sakow Waxaa jira raashiin iyo Qudaar ku halawday goobahaasi uu saameeyay Qaraxa.

Wasaaraada Caafimaadka ee Dowladda Soomaaliya weli ma aysan soo saarin warbixin rasmi ah oo ku aadan tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay Qaraxaasi balse Waxaa jiray Isbitaalada gaarka loo leeyahay oo Warbaahinta u soo bandhigay dhaawacyada la soo gaarsiiyay inta ay wax ka qabteen iyo inta ku geeriyootay gudaha Isbitaaladaasi.

Maamulka Isbitaalka Madiina ayaa Warbaahinta u sheegay in la soo gaarsiiyay 41 Bukaan, Halka Maamulka Daarul Shifana uu sheegay in la soo gaarsiiyay 35 qof.

W/D:- Axmed Cabdi Cali