DHAGEYSO: Warbixin Dagaalka mucaaradka iyo muxaafadka ee Baraha Bulshada oo sii kordhay

Isbedelada Siyaasadda Somaliya, gundhiga ugu wayn iyo gorfayntooda waxa ay noqotay Baraha Bulshada oo isku bedelay madal fadhi ku dirir iyo aragti isdhaafsi mucaarad iyo Muxaafid ah, halka kuwa intaas aan aheyn ay sheeda ka daawanayaan waxa ka socda Baraha Bulshada.

Isticmaalka ugu badan Baraha Bulshada oo sanadahan dambe aad u sii kordhay, waxa ay gaartay heer masuuliyiinta dowladda xilalka ay magacaabayaan ay ku shaaciyaan Baraha Bulshada, kuwa iscasilayana halkaasi ay ku shaaciyaan.

Dhalinyaro badan oo dal iyo dibad ku sugan ayaa u kala saftay mucaarad iyo muxaafad, iyaga oo ka shidaal qaadanaya masuuliyiin kala duwan oo qaarkood dowladda dhaliilisan iyo dowladda qudheeda oo isku difaaceysa Baraha Bulshada.

Arimaha xusida mudan ayaa waxa ay tahay in mucaaradka ay dhaqaale ku bixinayaan dhaliilida dowladda si ceebaha dowladda loogu shaaciyo Baraha Bulshada, iyaga oo adeegsanaya dad taageero badan ku leh baraha Bulshada, halka dowladda lafteeda ay isticmaalayso tabta mucaaradka oo kale, waxayna dowladda Bishii qarash siisa dhalinyaro u heelan ammaanida dowladda iyo ficilada ay sameyso buun buuninteeda.

Cabdishakuur Maxamed Maxamuud ka tirsan Idaacada Mustaqbal, aadna ula socda dagaalka Baraha Bulshada ku dhexmaraya Mucaaradka iyo muxaafidka ayaa ka waramaya heerka hadda uu gaaray dagaalkaasi.

Aragti isdhaafsi iyo dhaliil aan dhiig ku daadan waa hab wanaagsan oo Somaliya iminka ay ku tilaabsatay, maadaama madasha fadhi ku dirirka Baraha Bulshada aysan jirin cid isugu gacan qaada, halka kolkii hore fadhi ku dirirada la isugu gacan qaadi jiray.

Dhaliilayaasha dowladda ayaa qaba aragtida ah soo bandhiga ceebaha dowladda iyo duleelada ay ka liidato, halka difaacayaasha dowladda ay buun buuninayaan waxqabad yar oo dowladda ay sameyso.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa si indho la’aan ah ugu bareera soo badhigida ceebaha dowlad ay ka tirsan yihiin, halkii ay u ceeb qaran lahaayeen nidaam maamul oo ay hoostagaan qaladaadka ka dhaca.