Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalada ay saaka tahay mid aad u xun , waxaana xalay magaalada ka baxay dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa labada dhinac oo ay ka kala taliyaan maamulada Puntland iyo Galmudug.
Shalay Gelinkii dambe ayaa magaalada waxaa ka dhacay dagaal culus oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab u badan oo ku sugnaa xaafadaha magaalada Gaalkacyo.
Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkaasi ayaa waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.
Dadka degan Magaalada Gaalkacyo ayaa ka cabsi qaba in markale Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ay ku dagaalamaan halkaasi.
Wada hadaladii u dhaxeeyay Waxgaradka Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa burburay, maadaama Dagaal u dhaxeeya labada dhinac uu markale ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Maamulka Puntland ayaa dhowaan ku dhawaaqay in ay la dagaalamayaan Dagaalyahanada Shabaab iyo Galmudug oo ay sheegeen in ay ku soo duuleen Deegaanadooda.
Nabadoon Yaasiin Maxamed Gaani oo ka mid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa sheegay in maamulka Puntland ay jabiyeen heshiiskii ay wada galeen waxgaradka gobolka Mudug.