DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyay dagaal saaka ka qarxay duleedka Gaalkacyo

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saakay aroortii ka qarxay deegaanka Jeexdin oo ku yaalla duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maleeshiyo hubeysan oo kasoo jeeda dhanka Puntland ayaa la sheegay in ay weerar kusoo qaadeen maleeshiyaad kale oo kasoo jeeda dhanka Galmudug oo ku sugnaa deegaanka Jeexdin.

Ilaa iyo 8 Ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 15 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka saakay aroortii ka qarxay duleedka magaalada Gaalkacyo.

Gurmad xoogan ayaa maamulada Puntland iyo Galmudug ay u direen deegaanka Jeexdin , waxaana la sheegaya in xaaladu ay adagtahay.

deegaanka Jeexdin ayaa horay waxaa ugu dagaalamay Maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo sidoo kale Galmudug.

Mid ka mid ah dadka kunool  magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa idaacadda Risaala u sharaxaaya sida ay wax dhaceen.