DHAGEYSO: Wafdi gaaray Beydhabo

Beydhabo-RisaalaFM- Wafdi ka socda Beesha Caalamka ayaa waxaa ay maanta gaareen Magaalada Beydhabo oo xarun ku meel gaar u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beydhabo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed xasan Fiqi.

Xubnahan ayaa ka kala socday Xafiiska UNSOM, Ingiriiska iyo Canada, waxaana ay Madaxtooyada  maamulka Koonfur Galbeed kulan kula qaateen ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed xasan Fiqi, Wasiiro, Saraakiil ciidan iyo xubno kale.

Labada dhinac ayaa kulankooda waxa ay diirada ku saareen arimo la xiriira amniga iyo sidii loo furi lahaa wadooyinka Go’doonsan ee Deegaanada Koonfur Galbeed.

Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed xasan Fiqi ayaa warbaahinta u faah faahiyay waxyaabaha ay kala hadleen Beesha Caalamka.