Maamulka Somaliland ayaa Faahfaahin ka bixiyay Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo.
Madaxweynaha ayaa lagu qalay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta waxaana qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ay qoreen in xaaladiisa Caafimaad ay liidato.
Afhayeenka Madaxtooyadda Maamulka Somaliland Xuseen Aadan Cige oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, waxaa uu sheegay in xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha ay wanaagsan tahay.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Madaxweynaha lagu sameeyay Qaliin fudud oo qanjir laga bixiyay.
Waxaa uu tilmaamay in Madaxweynaha uu dhawaan kusoo laaban doono Magaalada Hargeysa si uu u guto waajibaadkiisa Shaqo.