DHAGEYSO: Todobaadka Isla xisaabtanka K/Galbeed oo ka socda Baydhabo “SAWIRRO”

Baydhabo-RisaalaFM- Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa maalinkii Labaad ka socda Toodbaadka la xisaabtanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo shacabkeeda.

Barnaamijkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay dadweynaha Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed wax kaga weydiinayaan mudadii Labada sano aheyd ee maamulkaasi uu dhisnaa waxyaabaha u qabsoomay Maamulka.

Maanta Barnaamijkaas waxaa marti ku ahaa Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Xanaanada iyo Xoolaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay mudadii labada sano aheyd in Wasaaradda ay qabatay wax qabad muuqda, sidoo kalena ay xiriir dhow la laheyd Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Sidoo kale Ugaas Xasan Cabdi Maxamed Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay Wasaaradda dhowaan in ay hirgelin doonto TV ku hadla Afka Maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay ka daah furay Barnaamijkan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxaana si toos ah looga baahinayaa warbaahinada Koonfur Galbeed iyo Baraha Bulshada.

 

koonfur 1 koonfur 2 koonfur 3