Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana Duqii muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladaha dhaqaale ee dalka ka jirta.
Waxaana uu sheegay in dowladda taladeeda aysan ku jirin in dhaqaalaha dalka ay ka fakarto oo kor uqaadis ay ku sameyso.
Tarsan ayaa tilmaamay dadka in ay ku dhow yihiin in ay iska xiraan goobohooda ganacsi oo ay nolol maalmeedkooda ka raadsan jireen.
Waxa uu sheegay in muqdisho ay cunaqabateyn ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo wadooyinka muqdisho soo gala ay isbaarooyin dadka lagu dhibo ay u yaalaan, isagoona sheegay in dowladda ay shacabka ku riixeyso in ay noqdaan Al-shabaab.
Hadalka gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana Duqii muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli dhowaan gaadiidleyda ka shaqeysata in gobolada dalka ay ka cabanayeen isbaarooyinka ciidamada dowladda u yaalla wadooyinka, waxaana arintan wali ay tahay mid soo taagan oo dowladda Soomaaliya aysan wali wax ka qaban.