DHAGEYSO: Taliyihii Hore ee NISA oo soo jeediyay talooyin ku saabsan Ammaanka Muqdisho

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa soo jeediyay in wax ka badal lagu sameeyo Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyay dowladdii dhexe ay sameysay Kobac ballaaran,islamarkaana ay dhinacyo badan u fiday ayna adag tahay in Ammaankeeda laga suggo hal meel.

Waxaa uu xusay in ay  muhiim tahay kordhinta Koontaroolada gaadiidka lagu baaro, iyadoo ciidamada la siinaayo qalab badan oo amniga ay ku sugaan.

Wuxuu sheegay Sanbaloolshe dhiiragelinta iyo abaalmarinta ciidamada qabta shaqooyinka adag inay door ka qaadanayso qorshaha suggida ammaanka Magaalada Muqdisho.

Sanbaloolshe oo la hadlay VOA, ayaa sheegay Muqdisho inay ballaaratay oo ay kobacday, sidaasi awgeedna muhiim inay tahay sameynta qorshe amni oo Magaaladan loo dajiyo, maadaama Shabaab xilli kasta isku dayaan fulinta falal lidi ku ah dhanka ammaanka.