DHAGEYSO: Taliye Xuseen oo fariin u diray dadka dhisanaya dhulka Ciidamada

Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan taliyaha Ciidamada Asluubta ayaa digniin u jeediyay dadka sida sharci darrada ah u dhisanaya xarumaha danta guud,isagoona sheegay in dadkaasi laga qaadi doono tilaabo waafaqsan Sharciga.

Waxaana uu intaa ku daray in ciddii lagu helo iyada oo dhisaneyso xarumaha ciidanka Asluubta lala xisaabta midoono.

taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in dhammaan ay kormeeri doonaan xarumaha Ciidamada Asluubta.

Taliyaha ciidanka Asluubta Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay waxa uu bilaabay kormeeridda xarumihii ciidanka Asluubta, waxaana taasi ay qeyb ka tahay dadaallada uu kaga hortagayo in la boobi dhulkii ay lahaayeen ciidanka Asluubta.